Muxuu ahaa hadalkii Itoobiya ka yaabiyey ee Soomaaliya ay ka hor-sheegtay QM?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal uu ergeyga dawladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ka jeediyay kulankii Qaramada Midoobay ee xiisadaan looga hadlay, kaas oo uu ku sheegay in is-afgarad badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu lamid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka ee QM, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomaalidu.

Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka difaaca ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay doonayaan in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.

Safiirka Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Wuxuu sheegay in uu lamid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha kirada ah.

“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga oo sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.

Dajiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena dhiirigalinaya kala qaybsanaanta qabaa’ilka ee ka jirta Geeska Afrika.

BBC