Muxuu Amiir Maxamed Bin Salmaan ka yiri doorashada madaxweyne Xasan Sheekh?

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa war kasoo saaray doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan Afisyoone ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bin Salmaan ayaa u rajeeyey Madaxweynaha cusub oo la filayo inuu dhowaan xilka la wareego inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda iyo howsha adag ee hor taalla.

Sidoo kale wuxuu Soomaaliya u rajeeyey amni iyo xasilooni waarta, sida lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga.

“Maxamed Bin Salmaan wuxuu u rajeynayaa madaxweynaha cusub guul iyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasillooni,” ayaa lagu yiri farriin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee wasaaradda.

Farrintaan hambalyada ah ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta Madaxweyne Xasan uu qaabilay  safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya oo uu ka guddoomay hambalyo.

Horey dowladaha Qatar iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka mid ah wadamada Carbeed ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee ay yeelatay Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxayna gudaha dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan.