Muxuu C/kariin Guuleed ka yiri digniinta hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Onlimne) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen oo war kooban soo saaray ayaa ka hadlay qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, taas oo shaacisay in la dili rabo Farmaajo iyo Rooble.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraalkiisa ku sheegay in marka la eego warka ka soo baxay hay’adda NISA ujeedkiisa uu yahay isku day Afganbi oo cusub, isla-markaana la doonayo in dalka la galiyo qas iyo qalalaase hor leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Warka NISA marka lagu eego indho amni iyo mid siyaasadeed waa isku day Afganbi cusub oo dalka lagu galinayo qas iyo qalalaase hor leh. Si loo joojiyo loona hor istaago hanaanka doorashada ee gabogabada ku dhow,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Dalka Soomaaliya uma baahna qas iyo dhibaato hor leh. Umaddu waxay u baahan tahay dowladnimo iyo horumar,”.

Ugu dambeyn wuxuu digniin culus u diray Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo shaaciyey inay qaadi doonaan cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintaasi.

“Haddaba Farmaajo iyo kooxdii waxaan oga digeyna cawaaqib xumida ay arimahaas dhalin karaan iyo dhibka ay dalka u keeni karaan,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Mr. Guuleed.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan lagu dilin qarixii ka dhacay Beledweyne.