Muxuu dastuurku ka qabaa musaafurinta Jubbaland ee taliyayaasha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa galabnimadii shalay Garoonka magaalada Kismaayo ka celisay Taliyaha Hay’adda NISA ay u magacawday Jubbooyinka iyo ku-xigeenkiisa.

Jubbaland ayaa muddo bil gudaheed laba jeer garoonka Kismaayo ka celisay Taliyayaal ay magacawday dowlada Somalia.

Jubbaland waxa ay 13kii Bishii la soo dhaafay ee July Garoonka ka celisay Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow oo loo magacaabay Taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Shalay maamulka Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ku xiray Taliyaha Nabad Sugidda Maamulka Jubaland iyo ku xigeenkiisa oo ay magacawday Dowladda Federaalka, waxaana lagu wadaa in maanta lagu soo celiyo Muqdisho.

Jubbaland ayaa dowlada Somalia ka tabaneysa ballan ka bax, waxaana xusid mudan inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed ka dhashay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels, iyadoo wixii intaa ka danbeysay uu sii xumaanayay xiriirka dowlada iyo maamulka Jubbaland.

Khilaafka oo xoogiisa soo shaac baxay 10 Bishii lasoo dhaafay ayaa iminka saameyn ku yeeshay xiriirka dhinaca amaanka taa oo dhalisay in Jubbaland ay dib usoo celiso mas’uuliyiinta ay magacawdo dowlada.

Marka dib loo eego Dastuurka Somalia oo kala maareynaya nidaamyada ka jira dalka ayaa qaba in talaabada ay Jubbaland kusoo celisay taliyayaasha ay tahay mid khalad ah.

Qodobada 53aad iyo 54aad ee dastuurka dalka ayaa bayaaninaaya habka wada shaqeynta DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada.

Qodobka 53aad ee dastuurka waxa uu qabaa in DFS ay dowlad Goboleedyada kala tashato arrimaha kaalmada Caalamiga ah, Ganacsiga, arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah, waxaa ay xubno ku yeelanayaan dowlad Goboleedyada xubnaha ka qeybgelaya heshiisyada caalamiga ah.

Sidoo kale, Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah waxa uu sheegayaa in awood qeybsiga Siyaasadeed iyo tan dhaqaale ay ka wada qeybqaadanayaan dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Hayeeshee qodobkan waxaa uu si gaar ah u sheegayaa in dowladda Dhexe ama Federaalka ah ay u gaartahay afar qodob oo kala ah:-

1-Difaaca Qaranka.

2-Siyaasadda lacagta.

3-Jinsiyadda iyo socdaalka.

4-Arrimaha dibadda.

Khilaafka mugdiga lagu maamulaayo ee iminka u dhaxeeya Jubaland iyo DFS ayaa  la xiriira qodobka difaaca Qaranka oo ay dowladda Federaalka ah leedahay.

Dowlada Somalia ayaa u madaxbanaan in xilalka taliyayaal ay u magacawdo cida ay u aragto inay kasoo bixi karto mas’uuliyadaasi.

Maamulka Jubaland qeybtan waxa ay ku yeelan kartaa arrimaha madaniga ah sida Booliska iyo wixii la mid ah, waxaana ay u muuqataa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada aysan sina ugu wada dhaqmeyn Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia oo aan wali ka hadal talaabooyinka khilaafsan Dastuurka oo ay ku dhaqmeyso Jubbaland ayaa lagu wadaa inay qaado talaabo lidi ku ah maamulka oo dhawaan gali doona doorasho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com