Muxuu Farmaajo u ballanqaaday dadka ku nool Gobolka Galgaduud (Warbixin)

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaargaar ah la qaatay waxgaradka Degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka kala hadlay xalinta xiisadaha ka taagan deegaanka, Amniga, Horumarka iyo qorshooyinka ay dowladiisa ka leedahay guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka kala hadlay arrimo dhawr ah oo degmada Caabudwaaq u baahan tahay, sidoo kalena waxay madaxweynaha ku booriyeen shaqooyinka uu hayo in dowlada ay qoondo uga sameyso dadka deegaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxgaradka u ballanqaaday in dowladiisa ay u sameyn doonto shaqo abuur lagu maareeyo nolosha dadka danyarta, si loo kordhiyo shaqooyinka hadda ka jira Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan u ambabaxo dhanka degmada Hobyo oo ay ku sugan yihiin wafdi horudhac u ah madaxweynaha.

Geesta kale, socdaalka madaxweyne Farmaajo oo kasoo bilowday deegaannada Puntland ayaa hadda kusoo gabagabeynaya Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com