Muxuu ku qotomaa socdaalka Rex Tillerson ee dalalka deriska la ah Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson, uu booqasho kusoo kala bixiyo dalal daris la ah Somalia.

Afhayeen u hadlay Rex Tillerson, ayaa sheegay in booqashooyinka xog-hayaha Arrimaha Dibadda lagu xoojin doono cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.

Booqashada xog-hayaha Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta 6-13 March, waxaana kamid ah dalalka uu booqan doono Chad, Nigeria, Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, ayaa mudada uu ku guda jiro booqashada la kulmi doona madaxda dalalkaas.

Sidoo kale, waxaa uu kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga, kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Dhinaca kale, booqashada Rex Tillerson ayaa dareen gaara galin doonta dowlado dhowr ah oo calaaqaad xumo ay kala dhexeyso Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com