Muxuu ku saabsan yahay kulanka xildhibaanada BF ee maanta dhacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo mid kamida kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhici doonaa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku balansan dhammaan Xildhibaanada, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow G/G/Shacabka.

Ilo wareedyo ayaa kusoo waramaaya in kulanka maanta ee Xildhibaanada uu yahay mid lagu qeybinaayo Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2017.

Miisaaniyadaasi loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa la doonayo in dowladda ay ku shaqeyso sanadkan 2017 isla markaana lagu fuliyo howlaha Dowladda.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka doodaan Miisaaniyada, iyagoo intaa kadib ka qaadan doona qaraar.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in qaraarada loo qeybinayo Xildhibaanada BFS ay ka mid yihiin ansixinta Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo qaraarkii ku saabsanaa ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka soconayo oo wax ka badal lagu sameeyay.

Dhinaca kale, Xildhibaanada BFS ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani ay qaatan kulamo maalin dhaaf ah, si loo dhaqan galiyo howlaha horyaal BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com