Muxuu ku saabsanaa kulankii Rex Tillerson iyo boqorka Sacuudiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa kulan kula yeeshay boqor Salmaan ka Sucuudiga magaalada Riyaad.

Kulankaasi wuxuu qayb ka yahay socdaal ujeedadiisu tahay in uu ku hagaajiyo xidhiidhka dalalka gobolku leeyihiin iyo sidii looga hor tagi lahaa saamaynta Iran ee gobolka.

Tillerson wuxu ka qayb galay shir muhim ah oo dhex maray Sucuudiga iyo Ciraaq, kaas oo lagu samaynayey gole wada jir ah oo iskaashi kaas oo la rajaynayo in uu xoojin doono iskaashiga labada dal oo muddo sanado ah ba xidhiidhkoodu cakirnaa.

Waxaa la rumaysanyahay inuu doonayo inuu dalalkaa Khaliijka ku qanciyo in ay go’doominta ay Qatar saareen Sucuudiga iyo xulufadiisu ka qaadaan, kuwaas oo Qatar ku eedeeyey in ay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah.

Tillerson ayaa la filayaa in uu maanta gelinka dambe u duulo dhanka Qatar, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono madaxda dalkaas.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com