Muxuu LAFTA-GAREEN ka dalbaday xildhibaannada kasoo baxay K/GALBEED?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada aqal ee dhowaan lagu soo doortay deegaanada maamulkaasi.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ku faanay in Koonfur Galbeed ay noqotay maamulkii u horeeyey ee billaaba doorashada, soona dhameeya, isagoo u mahadceliyey SEIT.

Lafta Gareen oo khudbad u jeediyey xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xildhibaanada Koonfur Galbeed marka la barbar dhigo maamullada kale ay ka badan yihiin, loona baahan yahay inay muujiyaan waxtarkooda.

“77 xildhibaan maanta State heesta ma leh laba State oo la’isku daray ayaa heesta 77 xildhibaan waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la’eg waxtarkeeda in Koonfur Galbeed laga arko oo ay ka muuqato,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Waxaan rabnaa inaadan la’idin kala qeybinin sumcaddiina iyo magaciina inuu ahaado Koonfur Galbeed iyo wax aanan aheyn Soomaalinimo aanan ka shaqeyn,”.

Dhinaca kale madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo hadal qaaday eeda loo jeediyey maamulkiisa ee ah inuu soo saaray xildhibaano kooxdiisa ah, una badan wasiiro ka tirsan dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay yihiin dad lasoo tijaabiyey, balse uu isagu keli ku noqday K/ Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka maanta wixii uu rabay oo dhan gacantiisa ka baxeen sidii uu maalinba nin u siibanaayey aniga waayey oo Koonfur Galbeed kusoo haray, maanta ugu dambeysay waxaa iga tagey wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo la filayo in Muqdisho la’isugu keeno xildhibaanada, si ay doortaan guddoon cusub, kadibna u sii guda galaan doorashada madaxweynaha.