Wararkii ugu dambeeyey dilal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dilka koowaad oo ka dhacay degmada Warta Nabadda ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Cabdinuur Cabdullaahi Warsame.

Marxuumka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa, waxaana la sheegay in raggaasi ay ahaayeen burcad taleefoon ka dhaceysay wiilka geeriyooday.

Sidoo kale dilka labaad oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolah ee degmada Heliwaa.

Askariga la dilay waxaa isna lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Keydsane, iyadoo dilkiisa ay ka dambeeyeen askar kale oo ka tirsan ciidamada Duufaan ee hay’adda NISA.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo uu la socday askari kale oo Haramcad ah ay ku soo dhaceen goob ay howlgallo ka wadeen ciidamada NISA, kadibna uu soo kala dhex-galay kala shaki, taas oo keentay inay is rasaaseyn kooban dhex-marto labada dhinac.

Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka, balse waxaa lagu soo warramayaa in la xiray askarta ka dambeysay falkaasi dilka ah.

Dilalkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho.