Muxuu R/W Abiy ula kulmi la’ yahay MUUSE BIIXI? (Somaliland oo jawaabtay)

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay sababta keentay in ay ilaa iyo hadda u kulmi la’yihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  iyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, xilli ay warar kala duwan kasoo baxayaan.

Abiy Ahmed ayaa talada Itoobiya haya muddo ka badan shan bilood, hase ahaatee, wali lama kulmin madaxweynaha Somaliland, ayada oo la sheegay in maamulka Haregsya uu dadaal xooggan ku bixinayo sidii kulanka uu u qabsoomi lahaa.

Dhaqankii hore ee Itoobiya ayaa ahaa mid sababa haddii Somaliland is bedel ka dhaco ama Itoobiya in ay kulmaan hoggaanka labada maamul oo waliba si meeqaam buuxa leh loo soo dhaweeyo madaxda Somaliland.

Hase ahaatee, Sacad Cali Shire oo warbaahinta uga jawaabayey su’aashaas ayaa sheegay in aysan qasab ahayn kulanka labada hoggaamiye balse Aibiy Ahmed mar uun la kulmi doono Musse Biixi.

Abiy Ahmed ma jirto dal bariga Africa ka tirsan oo uusan booqan, isaga oo wada tagay, Djibouri, Somalia, Kenya, Sudan iyo waliba Eritrea oo uu dib u soo celiyey xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo hakad ku jiray 20 sano, wuxuuna la kulmay dhammaan hogaamiyayaasha.

“Abiy Ahmed lama kulmin dhammaan hogaamiyayaasha gobolka hal maalin, midba wuxuu la kulmay maalin, marka waa ay iman doonta maalin uu la kulmo madaxweyne Biixi” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Xiriirka soo wanaagsanaaday ee dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa la rumeysan yahay inuu sababay in xukuumadda Addis-Ababa ay yareyso la macaamilkeeda hogaamiyayaasha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com