Giuliani: Waa la afgambin doonaa dowladda IRAN

New York (Caasimada Online) – Qareenka gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Rudy Giuliani ayaa sheegay sabtidii in cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iran ay sababi doonto xanuun dhaqaale oo horseedi doona ‘Kacdoon guuleysta”, oo lagu afgambin doono dowladd Iran

“Ma aqaan goorta aan afgambin doonno iyaga,” waxaa sidaas yiri Giuliani, isaga oo ka hadlaya shir ay lahaayeen ururo kacdoon oo ka mid ah jaaliyadda Iran ee Mareykanka, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda Tehran.

“Waxa ay noqon kartaa dhawr maalmood, bilo, dhawr sano. Laakiin wey dhici doontaa,”ayuu Giuliani u sheegay dad isugu soo baxay Hotel-ka ku yaal Times Square ee magaalada New York.

Hadallada Giuliani waxa ay cagsi ku ahaayeen siyaasadda maamulka Trump  ee aan dooneyn is bedel ku yimaada dowladda walow ay cunaqabateyn curyaamiyey dhaqaalaha Iran ku soo rogeen.

La taliyaha Trump ee ammaanka qaranka John Bolton waxa uu horey ugu sheegay Reuters bishii Agoosto in is bedel ku yimaadda dowladda Iran aysan ahayn siyaasadda Mareykanka. Waxa uu sheegay in maamulku doonayo isbedello waa weyn oo laga sameeyo hab-dhaqanka maamulka xukunka haya.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Mareynkan waxa ay sheegtay in Giuliani uusan u hadlin  maamulka Iran.

Giuliani waxa uu sidoo kale hadda kahor sheegay in cunaqabateynta dib loogu soo rogay Iran lagu doonayo in naqaska lagu celiyo Ayotullah, mar uu la hadlayey bishii Juunyo gudigga qaran ee iska caabinta Iran kuwaas oo fadhigoodu yahay Paris.

Trump waxa uu dib uga gurtay heshiiskii Iran ee barnaamijka Nukliyeerka, halka maamulkiisa uu dib ugu soo rogay cunaqabateynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo ay ka mid tahay shidaalka ay u dhoofiyaan dibedda.

Cunaqabateynta maamulka Trump ujeedada laga leeyahay kaliya ma ah in la is hortaago barnaamijka Nukliyeerka Iran balse waxaa ka mid ah in ay joojiso maaleeshiyaadka Bariga Dhexe ee ay gacanta siiso.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com