SHIRKII uu madaxweyne FARMAAJO isugu yeeary GALMUDUG oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaani ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in lagu dhex dhexaadiyo madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan.

Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafyada raagay ee maamulka ka dhexeeya.

Waxaa sidoo kale si gaar ah loogaga doodi lahaa shirka sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ka dhex noqday madaxda maamulka iyo dagaalada soo noqnoqday ee ka dhaca deegaanada Galmudug.

Dib u dhaca shirka ayaa loo sababeynayaa kadib markii Hogaamiyaha maamulka Galmudug uu si cad u diiday ka qeybgalka shirka wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Garabka isaga taabacsan ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Farmaajo, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya wallow uu wakhtiga maanta ku egyahay.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, mar walbana dowladdu waxa ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com