Wasiir Maareeye oo soo saaray wareegto uu xil muhiim ah ku magacaabay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu magacaabay Xogahaye Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada.

Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda loogu magacaabay Cabdicasiis Ibraahim Aadan.

Xoghayaha Joogtada cusub ayaa waxaa lagu bedelay Abuukar Daahiye oo geeriyooday isaga oo xilkaasi hayo, waxaana lagu bedelay Cabdicasiis Ibraahim Aadan.

Abuukar Daahiye, oo xilkaasi hayay muddo ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii ku dhintay Qaraxii Soobe 14-kii October.