Boqor Salmaan oo arrin la xiriirta Eritrea kala hadlay madaxweyne TRUMP

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka Saudi Arabia Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, dadaal dheer u galay sida cunaqabateynta looga dul qaadi lahaa dowlada Eriterea oo iminka mar kale kasoo muuqatay loolanka Siyaasada Africa.

Boqor Salman bin Abdulaziz oo siyaasad ahaan ay xiligaani aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki ayaa durba Madaxweynaha Mareykanka Trump kala hadlay sida cadaadiska looga qafiifin lahaa Eriterea.

Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa Trump u sheegay in Eriterea aysan ku lug laheyn waxyaabaha tuhunka dhaliyay sidaa aawgeedna Mareykanka laga doonaayo in dib u eegis uu ku sameeyo arrinta Eriterea.

Qaar kamid ah Wargeysyada sida aadka ah uga faalooda arrimaha Africa ee kasoo baxa dalka Saudi Arabia ayaa qoray in Boqorka uu Mareykanka ka dhaadhicinato in Eriterea laga qaado cunaqabateynta naafeysay, iyadoo tusaale loo soo qaadanayo kaalinta ay iminka ka qaadaneyso isbedelada Africa.

Waxa ay qoreen in Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud uu sidoo kale ka shaqeynayo sida lagu kulansiin lahaa Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Eriterea oo waxaana xusid mudan in kaalin aan muuqan ay isu geynta labada Madaxweyne ka qaadaneyso Israel oo beesaska ugu weyn Africa ku leh Eriterea.

Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan bilad dahaba gudoonsiisay Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki, taa oo banaanka soo dhigeysa sida ay u wada shaqeynayaan labada dal.

Sidoo kale, Boqorka Saudi Arabia ayaa kulankii ugu danbeeyay ee uu la qaatay Afwerki ka sheegay in Sacuudiga uu ka shaqeynaayo sida cunaqabateynta iyo cadaadiska looga dulqaadi lahaa Eriterea.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasada qaarada Madow ee Africa u adeegsaneysa dowladaha Eriterea iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com