Iran oo wacad ku martay in ay tallabo ka qaadi doonto Sacuudiga kadib weerar ay ku dhinteen 29 qof (Aqri)

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iran  ay jawaab deg deg ah, oo cawaaqib leh ka bixin doonto, iyada oo difaaceysa dadkeeda  kaddib markii weerar argagixiso ay shalay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof, Koonfurta Iran.

“Argagixiso ay qorten, tababareen oo ay lacag siiyaan dowlado shisheeye ayaa weerary Ahvaz. Carruur ayaa ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaadhay,” ayuu yiri Zarif oo Tweeter-ka qoraal soo dhigay.

Iran waxa ay u haysataa mas’uuliyadda weerarkaas dalalka maalgaliya argagixsada iyo Mareykanka, waxaa sidaas yiri Zarif.

Afhayeenka ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Ramezan Sharif ayaa sheegay in dadka weerarka fuliyey ay ku xiran yihiin koox argagixiso ah, oo Sacuudiga u taageero.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay, ilaa 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay dabley gadaal uga soo fureen waddada Qods Boulevard ee magaalada Ahvaz, xilli ay joogeen goob lagu xusayey xiliggii uu Sadam Xuseen soo weeraray Iran, sanadkii 1980.

“Shaqsiyaad lagu soo qariyey ciidamada gaarka ah ee kacaanka Islamka iyo dharka Bajis ayaa mas’uuliyiinta  iyo dadka  ka soo rasaaseeyey goobtii ay taagnaayeen gadaasheeda iyaga oo dilay tiro dad dambi la’aan ah ama dhaawacay,” waxaa sidaas  yiri  Gholamreza Shariati oo ah Khuzestan.

“Ilaa iyo hadda, shahiidiinta waxaa laga aqoonsaday saddex halka, 20 kale oo dhaawac ahna la geeyey cisbitaal, “ waxa uu sidaas u sheegay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com