Muqdisho oo kasii daraysa (Dhacdooyin kale oo laga naxo oo maanta dhacay)

Muqduisho (Caasimadda Online) – Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada Isgoyska Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah. Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Basteejadda Isgoyska Bakaaraha ee baabuurta rara.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Ciidamada dowladda ee  goobta gaaray dilka kaddib ayaa la kulmay labo qarax oo lagu sheegay Bambo gacmeed,mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dhanka kale, Ciidamada Booliska ayaa  toogtay nin burcad ah,kaasoo lacag ka qaadaayay dadka Shacabka ah ee kunool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay ninkaasi uu diiday in uu isdhiibo, islamarkaana Ciidamada ay toogteen.

Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Laba ruux ayaa ku geeriyootay shil goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Madiina oo ku yaallo Isgoyska Martiini ee kala qaybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar weyne. Dadka dhintay ayaa saarnaa Mootada nooca loo yaqaano Bajaajta.

Mootadda ayaa ku socotay si xowli ah, waxaana la sheegay in ay gudaha u gashay gaari weyn oo wadada maraayay.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa Waddihii mootadda iyo qof kale oo saarnaa sidda ay sheegeen Goobjoogayaal.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan waxaana arrin taa dood kulul dhawaan ka yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’isulwaaasre Kheyre ayaa la filayaa inuu hor taggo Baarlamaanka Soomaaliya maalmaha soo socdo isla markaasna wax laga waydiiyo Xaaladda Muqdisho.

Inta badan Xildhibaanada ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilmatay Amniga isla markaasna loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah oo dhanka Amniga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com