Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ahlusuna Shiikh Maxamed Awlibaax oo ka mid ahaa madaxda ka qeybgashay xaflada looga dhawaaqay Ra’iisul wasaarenimada Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa uu soo dhaweeyey xilkaasi dib loogu magacaabay.
Awlibaax ayaa sheegay in maamulka iyo madaxda sare ee Ahlusuna Waljameeca ay soo dhaweynayaan Cumar Cabdirashiid, oo uu sheegay inay ku kalsoon yihiin siyaasadiisa ku aadan hoggaaminta dalkan burbursan iyo waliba ka saarista jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex jira maamulada dalka ka jira.
“Cumar Cabdirashiid wax badan ayaan siyaasadda kasoo wada shaqeynay, waxaana u arkaa inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara xilka loo dhiibay. Sidaasi darteed aniga oo afka maamulka Ahlusuna ku hadlaya ayaan leeyahay HAMBLAYO, oo allaha kula garabgalo xilkaasi culus” ayuu yiri Guddoomiyaha Ahlusuna Shiikh Maxamed Awlibaax.
“R/W Cumar waxaan isla meel marinay dhismihii maamulka Jubba, waxaana dhihi karaa waa siyaasi ku habboon dib u sixida maamulada qaladka ku dhismay iyo kuwa horey loo dhisay balse wadadii lagu hishiiyey ka leexday, .”ayuu yiri Awlibaax.
Magacaabista Ra’iisul wasaare ee Cumar Cabdirashiid waxaa soo dhaweeyey dhammaan wadamada deriska, maamulka Puntland iyo Ahlusuna. Waxaana sidoo kale ka hadlay xilkaasi loo magacaabay qaarka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaar taageeray, qaarna magacaabistiisa u arka mid hais ku ah Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]