Muxuu xerada TÜRKSOM ku soo arkay wasiirka difaaca Soomaaliya? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaa wasiirka halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha xerada.

Wasiirka ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka.

Intii uu ku guda jiray kormeerka shaqo, saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidanka ayaa wasiirka uga warbixiyay halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga oo qeyb weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka argagixidada, sugana ammaanka guud.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga adkaaday fagaaraha dagaalka.

Kumanaan askari oo hadda ka dagaalameysa gobollada dalka ayaa lagu soo tababaray xeradaan TÜRKSOM, waxaana xusid mudan in qeyb ka mid ah mushaarka ay qaataan ciidamadii ay tababartay ay bixiso dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaa ka dhexeeya labada dal heshiis difaac oo sal-adag, waxaana xusid mudan in saldhig ciidan kan ugu weyn ee dalka dibadiisa uu ku leeyahay Turkigu uu ka sameystay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta caasimadda Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa shalay shalay gudaha xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho wuxuu kula wareegay hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku uu ugu deeqay Soomaaliya, si gaar ah waxaa agabka uu Mareykanku bixiyey lagu qalabey doonaa ciidanka Danab oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.