25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Muxuu yahay go’aankii ku saabsanaa muranka Badda Soomaaliya oo ay Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in wali Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai waxa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wada hadal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneen, marka la eego qaabka ay u wada hadli karaan Somaliya iyo Kenya.

“Mowqifkeenna waxaa uu ku jiraa heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964-tii.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3-dii sano ugu dambeysay ku murmaayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda.

“ Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu Githu Muigai ku sheegay Warka ka soo baxay Xafiiskiisa oo lagu Daabacay Wargeeyska Nation ee Kenya kasoo baxa.

Maxkamadda The The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018.

Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadda ka dhan ah Dowladda Kenya oo kasoo gudubtay Xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay The Hague Bishii July 13 keedii 2015.

Masaafadda Badda ee lagu Muransanyahay 100,000 oo labajibaaran, waxaana ku yaalla Lix Meelood oo Saliid laga bilaaabay in Saliid laga Qodo, Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Doodeeysa in Kenya ay Masaafo dheer ka soo durugtay meelii uu ahaa Xuduud Badeedkii Saxda ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Doodeeda waxay ku-saleeysay Qodobadda 15,74 iyo 83 aad ee Sharciga Badaha ee QM ee lasoo saaray 1982.

Dowladda Kenya ayaa Doodeeda ku saleeyneeysa Hishiis Isfahan ah oo Labada Dowladood ay gaareen 2009 kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News