Nidaamka cusub ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Somalia oo la horgeeyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dastuurka cusub ee ay madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya soo bandhigeen waxay ku doonayaan inay nidaamka dalka uga raraan nidaamka baarlamaaniga ah iyadoo loo guurayo habka madaxtooyada.

Haddaba, qormadayda waxaan uga jawaabayaa su’aalahan: Waa maxay ujeeddada geeddigan loo galayo? Maxaa ka dhalan kara? Ma jiraa hab kale oo la isku waafaji karo aragtiyaha kala duwan ee ka jira fagaaraha siyaasadda?

Ujeeddada loogu guurayo nidaamka Madaxtooyada

Bishii May ee sanadkii 2023 ayaa subax lagu waabariistay heshiis ay gaareen madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka oo aysan ku jirin Puntland. Heshiiskaas waxaa lagu sheegay in loo guurayo nidaamka madaxtooyada.

Waxaa jira saddex sababood oo loo qaateen ah oo keenaya in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda jira in dib loo qiimeeyo.

1. Inta badan waxaa iska-horyimaad madaxwenaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Dalku wuxuu yeeshay lix madaxweyne iyo 15 ra’iisul-wasaare tan iyo markii Carta lagu dhisay jamhuuriyadda saddexaad sanadkii 2000.

Madaxweyne baarlamaan doortay iyo Ra’iisul-Wasaare uu Madaxweyne magacaabay oo uu baarlamaan kalsooni siiyey ayaa mar walba qoorta isla-gala. Sidaa darteed, nidaamkani ma sii jiri karo. Waa sabab macquul ah.

2. Isma-keenayaan habka madaxweynaha lagu soo doorto iyo awoodaha uu leeyahay ee fulineed. Madaxweynaha waxaa soo doorta xubnaha baarlamaanka oo tiro ahaan ah 330 xubnood.

Xubnahani ma aysan ku imaan doorasho dadweyne sida baarlamaannadii Soomaaliyeed ee 1960-69. Waxay ku yimaadaan hab jacbur ah. Waxayna ku doortaan hab iibsi iyo musuq-maasuq ah madaxweyne leh awood fulineed oo buuxda.

Marka waxaa muddo dheer jirtay soo-jeedinno ku doodaya ha la baddalo habkan oo ha loo guuro nidaamyada jira midkood. Waxaa loo guuri karaa nidaamka baarlamaaniga oo uu ra’iisul-wasaare ku yimaad codka dadweynaha oo madax ka ah xisbiga guuleysta uu hoggaaminayo hey’adda fulinta.

Waa nidaam la yaqaan oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada adeegsadaan. Waxaa kale oo loo guuri karaa nidaamka madaxtooyada oo ah kan ay hadda dowladdu soo jeedisay. Habab kale oo isku-karis ahna waa la sameyn karaa.

3. Danta weyn ee ku riixaysa madaxda dowladda dastuurkan cusub waa wax-ka-baddalka nidaamka lagu soo dooranayo madaxweynaha. Weli ma dhicin madaxweyne markaas xukunka jooga oo teendhada lagu dooranayo madaxweynaha guul kala dheelmaday.

Waxaa abuurmay dhaqan-siyaasadeed oo baarlamaan kasta oo cusub oo la soo xulo madaxweynaha markaas xukunka jooga waa ay ridaan oo waxay doortaan mid cusub. Weliba, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Sheekh, ma jiro madaxweyne dib loo doortay.

Isaguna wuxuu bannaanka joogay oo uu xukunka ka maqnaa hal xilli oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukumayey dalka.

Haddaba, Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto.

Waxay is-tuseen inay taasi uga fursad roon tahay inay ku tartamaan nidaamkii madaxweynaha lagu dooranayey ilaa 1960-kii oo uu Madaxweyne Xassan Sheekhna ku yimid. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo.

Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen.

Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.

Waddada loo maray waa qardajeex. Iyadoo sababaha aan soo sheegay ka duuleysa ayay dowladdu soo jeedisay in la guuro. Waxay goosatay inay samayso dastuur cusub oo dantaas iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada iyo nidaamka doorashada ay ku jiraan.

Dhanka kale, lama soo bandhigin cilmi-baaris lagu sahmiyey nidaamkani inuu ka roon yahay kuwa kale. Lama sharxin sababaha aan nidaamyada kale loo eegin.

W/Q: Afyare Cabdi Cilmi, PhD
Research Professor, City University of Mogadishu.