Muxuu yahay shirweynaha DENI uu ka furay Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu horeyntii bogaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada.

Waxa uu ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, isaga oo la wadaagay bulshada in shirarkan iyo kuwa lamidka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada dalka oo laga qeyb-geliyo bulshada kala duwan.

“Waa sababta loo rabo in dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.”

Culimaa’udiinka kala duwan ee ka hadlay munaasibadaasi ayaa dhankooda tilmaamay in kulankaan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Puntland uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.