NABAD-DOON caan ahaa oo goor-dhow la dilay

Beledweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta lagu dilay nabadoon si weyn looga yaqaanay magaalada.

Nabadoonka ayaa kooxo hubeysan waxaa la sheegayaa iney ku dileen meel aan ka fogeyn hoyga uu ka degen yahay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay dilka kadib ka baxsadeen goobta falka uu ka dhacay oo ah bartamaha magaalada Beledweyne.

Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Muumin Barre wuxuuna ka howlgalayay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay maanta nabadoonka caanka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyn
Caasimada@live.com