Madaxweyne XASAN SHEEKH oo ballan qaaday arrin uusan fulin doonin ahmiyadna u leh dadka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay DF Somalia mareyso marxaladii ugu danbeysay dhan dhaqaale iyo dhan Siyaasadeedba ayaa waxaa dhamaan arrimahaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan ayaa si diiran uga hadlay dhaqaale yarida xiligaani heysata DF Somalia, waxa uuna sheegay in Dowladu ay baahi u qabto dhaqaale ay ku kala maareyso Doorashooyinka iyo amaanka dalka taasina ay dhowr jeer kala hadleen Beesha Caalamka.

Waxa uu sheegay in hoos u dhac uu ku imaaday miisaaniyadii soo gali jirtay Dowlada Federaalka taasina ay tahay sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca iyo gaabinta ku imaaday Siyaasada Somalia kala dhexeysay caalamka.

Waxa uu soo hadal qaaday kaalinta ay shacabka ku leeyihiin ka qeybqaadashada Siyaasada dalka waxa uuna sheegay in DF Somalia ay daneyneyso in shacabkeeda ay kaalin wanaagsan ku yeeshan Siyaasada dalka si ay u helaan khibrad dhan waliba ah.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in tallada siyaasadda dalka laga qeyb-galinayo shacabka si loogu guuleysto hirgelinta doorashooyinka la filaayo inay ka dhacdo Somalia sanada 2016-ka.

Waxa uu ka hadlay qabsoomidda hanaan doorashooyin oo ka dhaca Somalia ayaa waxa uu ku taliyey in lagu adkeysto sidii Siyaasadda iyo tallada dalka looga qeyb-gelin lahaa dadka Soomaaliyeed si ay dowladdu ugu guuleysto barnaamijka ay ku dhisan tahay ee ah in dalka ay doorashooyin xor ah ka dhacaan.

Nuqul kamid ah hadalka Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ahaa “Muhiimadda koowaad oo aan rabno 2016’ka ayaa ah in la ballaariyo ka qayb-galka dadku ay ka qayb-galayaan Talada siyaasadda dalka iyo go’aan ka gaariisteeda”

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo DF Somalia ay la daalaa dhaceyso dhaqaale la’aan ka soo foodsaartay dhanka Beesha Caalmaka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com