R/W CCC oo ku wajahan magaalada KISMAAYO!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ka socda qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta la filaayo in halkaasi uu gaaro.

Socdaalka uu Ra’isul wasaare Cumar ku gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku wehlin doono Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia kana soo jeeda Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Ujeedka Socdaalka Ra’isul wasaare Cumar ayaa ah mid la xiriira xalinta Khilaafyada Maamulka kala dhexeeya DF Somalia, waxaana la filayaa in Cumar C/rashiid uu Kismaayo ku nagaan doono muddo Laba maalin ah.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka la kala eryay ee Maamulka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in Cumar C/rashiid uu kulan muhiim ah la qaadan doono Hogaamiyaha Maamulka Axmed Madoobe iyo xubno ka kala tirsan labada gole ee Maamulka.

Waxa uu sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay xalinta Khilaafyada Maamulka kala dhexeeya DF Somalia, waxa uuna Mudanahaasi rajo ka muujiyay in kulanka ay la qaadan doonaan Ra’isul wasaaraha uu kasoo bixi doono natiijo wanaagsan.

Dhanka kale, MadaxtooyadaMaamulka Jubbland ayaan faah faahin dheeraad ah weli ka bixin socdaalka Ra’isul wasaare Cumar, waxaana aad loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com