Nasrallah oo shaaca ka qaaday arrin halis ah oo Sacuudiga ay wadaan

Beirut (Caasimada Online) – Hogaamiyha ururka Xisbullah ayaa ku eedeeyya dowladda Sacuudiga in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Lubnaan, todobaadyo uun ka dib markii uu iscasilay rai’sul wasaarihii Lubnaan Sacad al Xariiri.

Xassan Nasrallah ayaa sheegay in mr Xariiri uu la hayste u yahay xukuumadda Sacuudiga.

Mr Nasrallah ayaa sheegay in Sacuudiga ay dagaal ka dhex hurinayaan dadka reer Lubnaan.

Waxa uu sidoo Sacuudiga ku eedeeyay in ay ku kicinayaan Israa’iil oo ay kaashanayaan.

Ururka awooda badan ee Shiicada ee Xisbulahi ayaa waxa taageera dowladda Iran oo ay si wayna isaga soo horjeedaan Sacuudiga .

Mr Xariiri ayaa isagu iscasilaadiisa ku saleeyay khatar uusan sheegin waxa ay tahay oo naftiisa soo wajahday.

Hasa yeeshee madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun iyo siyaasiyiinta kale ee sarsare ee Lubnaan ayaa waxay dalbanayeen in mr Xariiri uu dib ugu soo laabto Lubnaan.

Mr Aoun ma uusan aqbalin iscasilaada Xariiri uu iska casilay xilka raisul wasaaraha.

Mr Xariri si toos ah uma uusan hadal tan iyo wixii ka dambeeyay iscasilaadiisii oo ahayd mid lama filaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com