Xog: Waa sidee xaaladda Xalane iyo garoonka Aden Cadde kadib hanjabaadii?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa isbedel dhanka amaanka ah laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib digniino dhanka amaanka ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM iyo Hay’adaha kale amaanka ee reer Galbeedka ah.

Afafka hore iyo gudaha Garoonka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan oo la socda dhaqdhaqaaqa dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala Garoonka, waxaana xusid mudan in ciidamada ay caawinaad dhanka amaanka ah ka helayaan Eeyo u tababaran dhanka amniga.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay ciidamada AMISOM ee ka howlgali jiray Garoonka Aadan Cadde, maadaama howlgalo dhanka amaanka ah ay ku dhawaaqeen Saraakiisha ugu sareysa AMISOM, kaa oo ka socda Xarunta Xalane oo qeyb ka ah Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada ugu badan ayaa waxaa sidoo kale laga howlgaliyay Xarunta Xalane, waxaana halkaa saacadihii ugu danbeeyay laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa, iyadoo la xiray dhammaan albaabada gala iyo kuwa ka baxa, sababo la xiriira digniino dhanka amaanka ah.

Cabsida ka jirta guud ahaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxa uuna saameyn ku yeeshay dadka musaafuriinta ah.

Sidoo kale, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in uu ballaaran yahay garoonka, islamarkaana si gaar ah loo xiray qeybta Xalane ee garoonka sababtuna ay tahay in Amniga garoonka dib u habeyn lagu sameeyo.

Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM lagu fasaxay shaqaalaha ka howlgala Xarunta Xalane inta u dhexeysa 9 ilaa 13 Bishan, sababo dhanka amniga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com