Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday arrin sir ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani ay soo ifbaxayeen shaqsiyaad ku caanbaxay ka hor imaanshiyaha Siyaasada dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan caawa adinla wadaagayaa arin sir ah, waxaad hadda arkaysaan afar sano kahor way jirtay, dowladii dowladdan ka horeysay markii la doortey iyadoo 6 bilood jirta ayaa la ila soo hadlay oo la yiri waa la mucaaradayaa kasoo qeyb-gal, waa xaqiiqo waxaan adin sheegayo, waxaan ku iri dowladdan lix bil ayay jirtaaye maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in dadka howshaas ku jiray ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Xasan Sheekh inay hadda ka shaqeynayaan inay dumiyaan dowladda Federaalka ee uu isaga hogaanka u hayo.

Farmaajo ayaa xusay in mucaaradka dowladdii Xasan Sheekh uu kula taliyay inay fursad siiyaan oo aysan ka hor-imaan iyada oo aan waxba qaban, oo mudo ka yar hal sano joogta Villa Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in mucaaradkii Xasan Sheekh ay yihiin mucaaradka maanta oo doonayaan inay jilbaha dhulka u dhigaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo waxaa uu sheegay in dadkaasi ay doonayaan in ay dib u dhigaan dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee aysan dhici doonin taas.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii October dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, dadka Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda, islamarkaana ay ka qeyb qaataan xaaladda dagaal ee dalka ku jiro.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo horjeedda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com