Daawo muuqaal caddeyn u ah heerka musuq maasuqa ka jiro bankiga dhexe iyo maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi oo ahaa khasnajigii fashilay fadeexadii 17 August, 2016 kuna saabsanayd lacag been-abuur ah oo la keenay Bankiga Dhexe ayaa banaanka soo dhigay siro iyo xog badan oo ku saabsan qaabkii lacagtaas loo keenay Bankiga, dadkii keenay, sababta uu ku muteystay inuu Shaqadiisa ku waayo iyo musuq maasuq ka dhacay dacwadii uu u gudbiyey Maxkamadda Sare.

Cabdullaahi ayaa sharaxaad badan ka bixiyey inay aheyd sababtii uu shaqadiisa u waayey badbaadadii uu sameeyey iyo Hantida Qaranka oo uu ilaaliyey.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in abaalmarin looga dhigay shaqo ka eryid isagoo miciin biday Cadaaladda Federaalka, (Maxkamadda Sare), ujeedkiisuna waxay aheyd inuu xaqiijiyo in shaqaalaha soomaliyeed xuquuqdooda lagu tuman karin iyadoo lagalay casri Dimquraadi ah iyo soomaaliya cusub oo ay tahay in sharcigu shaqeeyo/sareeyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa Guddi Garsoorayaal ah oo Maxkamadda Sare u fadhiisteen qadiyadayda ku saabsanayd shaqo ka joojinta 02.03.2017, waxay ku heleen Guddoonka Bankiga Dhexe in Go’aankaas ay shaqadda  uga saareen uu ahaa sharci daro, waxayna xukumeen – in laga celiyo shaqadda, in la siin waayo mushaaraadkii ka maqnaa, kharashkii uga  baxay maxkamadda iyo magdhow. waxaa fadhiga Maxkamadda maalimkaas goob-joog ka ahaa xubno Federal MPs,  xubno saxaafadda, iyo sharciyaqaano.

Guddiga Garsoorayaasha waxay u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxmadda sare, waxaa arinta soo farogaliyey Guddoonka Bankiga Dhexe, waxayna codsadeen in Go’aankaas aan la soo saarin wax kasta oo dhaca.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ayaa si cad ugu sheegay in go’aanka aan la shaacinayn, laakiin uu xal kale u raadinayno sida uu Cabdullaahi ku caddeeyey cod uu si hoose uga duubay oo aad ka dhex maqli karto muuqaalka hoose.

  • Madaxda Bankiga Dhexe … Waxay shaqadda ka eryeen sarkaalkii fashileyey musiibo qaran, waayo maalinkaas waxaa fashilantay shaba-kad lacag faalso abuuraysay oo dhaqaalaha dalka khalkhal galinaysay.
  • Madaxda Cadaaladda … Waxay cadaysteen mowqif yaab leh oo ah inay diidan yihiin in dadku ilbaxaan oo ay bartaan sida muwaadinka uu u raadsan karo Xuquuqdiisa Dastuuriga ah, iyadoo loo marayo dhinaca sharciga.

Wuxuu Muuqaalkaan oo soconayo muddo 40 Daqiiqo ah kusoo bandhigay waxyaabo badan oo lala yaabay iyo musuq maasuq ka jiro Maxkamadda Sare iyo Bankiga.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalkaan: