Natiijada wareegga 1-aad ee doorashada guddoonka BF iyo sida codka loo kala helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey wareegga koowaad ee codeynta xildhibaanada golaha shacabka ee doorashada guddoomiyaha golahaas, oo ka socota teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Codadka ugu badan waxaa helay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, waxaana codadka loo kala helay sidan:

1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, mana jiro musharax hadda gaaray tiradaas, taas oo ka dhigay in wareeg kale la aadi doono.

Codeynta ayaa waxaan ka qeyb-gelin 16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq oo laga reebay maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Waxaa hadda loo gudbay wareegga labaad ee doorashada, waxaana isugu soo haray Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdinuur, kadib markii ay tanaasuleen Cabdullaahi Black iyo Aadan Saransoor oo kala galay kaalimaha 3-aad iyo afaraad.