Doorashada guddoomiyaha BF oo billaabatay iyo musharax tartanka ka haray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda teendhada Afisyooni ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan 7 Musharax.

Musharaxiinta is diiwaan gelisay oo markii hore ahaa 8-xubnood, waxaa tartanka isaga haray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, tiradaas oo ah cod dheeri.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni waxaa hadda is faham laga gaaray is qabqabsigii salka ku hayey codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka, maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa lagu dhaarinayaa hoolka, kadibna ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha shacabka.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa goordhow furay Kalfadhiga Golaha, waxaana soo xaadiray 257 xildhibaan, kuwaas oo 17 ka mid ah aysan codeyn doonin, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha.