New York Times oo qoray warbixin xasasaasi ah oo kashiftay saddex sir oo u qarsanaa FARMAAJO

New York (Caasimada Online) – Wargeyska New York Times ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, iyo dhacdo ku saabsan Jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo, oo tusaale u ah sida uu xukunka u jecel yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii August 2019 ka tanaasulsay muwaadannimadiisa Mareykanka, isaga oo aan shaacin wax sabab ah, hase yeeshee New York Times ayaa warbixin uu maanta qoray ku sheegay inay ugu wacan tahay hal sabab.

“Markii Farmaajo uu iska dhiibay baasaboorka Mareykanka, waxaa jiray baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan oo ku saabsan madaxweyne dal,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times.

IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS. 

New York Times ayaa sheegtay in markii arrintan wax laga weydiiyey xafiiska Farmaajo aysan wax jawaab ka bixin baaritaanka IRS. 

New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday arrin aan horey loo ogeyn oo ah in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada.

“Mr. Maxamed wuxuu Mareykanka yimid 1985-kii isaga oo ah diblomaasi curdun ah oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya. Markii dalkiisa uu dagaallada galay wuxuu go’aansaday inuu iska sii joogo. Qof saaxiib la ah qoyskiisa ayaa sheegay inuu marka hore magan-galyo ka codsaday Canada oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalhiis, wuxuuna kadib qaatay baasaboorka Canada,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times.

Illaa iyo hadda ma jiro diiwaan shaacsan oo muujinaya in Farmaajo uu ka tanaasulay baasaboorka Canada.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Farmaajo oo markaas un guursaday uu dib ugu soo guuray Mareykanka horraantii sagaashamaadkii, uuna degay magaalada Buffalo.

Warbixinta New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya. 

“Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin si uusan u xumaan xiriirka ay la leeyihiin qoyska Farmaajo, ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab, 

Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta New York Times ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin sumcad leh ay arrintan kashifto.

Halkan ka aqriso warbixinta New York Times