JUBALAND oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan shirka uu ku baaqay FARMAAJO

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan ka qeyb-geli doonin shirka arrimaha doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo khudbad jeediyey habeenkii Talaadada ayaa sheegay inuu maanta hortagayo baarlamanka, si uu uga codsado in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September lagana tanaasulo muddo kororsiga, wuxuuna madaxda dowlad goboleedyada ka codsaday inay shir isugu yimaadaan.

Hase yeeshee, wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo shalay ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da, ayaa sheegay inaysan marnaba ka qeyb geleyn shir uu Farmaajo ku baaqay.

“Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado,” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Mowqifka Jubaland ayaa ah inay ka qeyb-gasho kaliya shir ay abaabulkiisa leedahay beesha caalamka, oo ay u siman yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si la mid ah shirkii Teendhada Afisyoone. 

Jubaland ayaa ku biireysa Puntland oo dhawaan iyana sheegtay in ay shuruudo ku xirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.