Farmaajo: Dalkeenna maanta waxaa uu wajahayaa halis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysas-kooda.

Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi,”.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay haatan la tacaaleyso xaalad halis ah oo uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo kusoo labo kacleeyey gudaha dalka.

“Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada,” ayuu markale yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Soomaaliya isku biirsadeen xaalado ka dhashay  cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.