Farmaajo oo loogu baaqay inuu is-casilo, kadib kulanka golaha shacaba ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo kala hadli doono xaaladda dalka.

Kulanka oo lagu wado inuu goor dhow ka furmo Villa Hargeysa ayaa waxaa haatan hoolka ku sugan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la sugayo madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeedin doono kulanka maanta ee Golahaasi.

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay hoolka baarlamaanka ayaa ka hadlay kulankan, wuxuuna farriin culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha laga raayey, isla-markaana ay haboon tahay inuu is-casilo, sida uu hadalka u dhigay.

“Isaga waxaa ku haboon inuu is-casilo barkey haddii ninka laga raayo ma’ahan inuu meesha isku dhajiyo waxaa fiican inuu meesha isaga tego,” ayuu yiri Idiris Dhaqtar.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaaladdu ay faraha kasii baxayso, isla-markaana jidadka ay fadhiyaan mucaaradka, loona baahan yahay in dalka la bad-baadiyo

“Marka u shaan dhig waan kuu duceyneynaa xittaa maanta barkey waan soo lugeynay meel aan soo marno ayaan weynay jidadkii mucaaradaa fadhiyo xaaladda meel qaraar ayey mareysaa dadkii waa barakaceen,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ah mid isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku jiro marxalad ah adag oo kala guur ah.