Cabdiweli Gaas oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isagoo ku eedeeyey inuu ku fashilmay hoggaanka dalka.

Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ku guul darreystay qabashada doorasho loo dhan yahay, isla-markaana dalka uu galiyey xaalad hubanti la’aan ah.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan sida uu usoo gaabtay mustaqbal siyaasadeed ee Farmaajo.

Cabdiweli Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale taageero u muujiyey ciidamada milatariga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay mudan yihiin in la dhiira-geliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku mashquulay kaliya burburinta hanaanka federaalka Soomaaliya, si uu meesha uga saaro, una sameysto koox gaar ah oo isaga xulafo la’ah.

Si kastaba hadalkan kasoo yeeray siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweynuhu hortegayo xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana uu ka hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada.