Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu ROOBLE ku wareejiyey doorashada iyo amnigeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September.

Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho.

“Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta ay is diidan yihiin inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka.