Golaha shacabka BF oo u codeeyey in muddo kororsiga laga laabto, oo lagu noqdo heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa shaaciyey in dalka uu dib ugu laabtay heshiiska doorashadii 17 September maadaama Baarlamaanka uu si aqbalbiyad leh u ansixiyeen, waxaana halkaas ka baxay muddo kororsigii.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu mahadceliyey sida ay u aqbaleyn codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii 17 September.

Go’aanka Baarlamaanka uu gaaray ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada Muqdisho ay gashay xaalad hubanti la’aan ah iyadoo ay is hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa diidanaa muddo kordhinta.

Waxaa hadda la filayaa in mar kale ay kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dhameystiro heshiiska 17-ka September, ugu dambeyna dalka uu aad doorasho.