Rooble oo la wareegay wada-hadalla DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar kale la hadlay xildhibaanada golaha shacabka kadib markii ay ansixiyen codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 September ayaa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyey wada-hadallada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Farmaajo ayaa faray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo heshiiskii ay horey u gaareen ee dhacay 17 September.

Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ahaa inuusan aqbaleyn in wax isbadal ah lagu sameeyo qodobadii heshiiska 17 September ee horey u saxiixdeyn Farmaaj iyo madaxda Maamul goboleedyada taaso durba, shaki gelisay awoodda uu Rooble u yeelan karo hoggaaminta shirarka la filayo inay dhacaan.

Rooble ayaa hadda looga fadhiyaa inuu qaato doorkiisa doorashada maadaama Farmaajo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku wareejiyey, waxaana looga fadhiyaa inuu si dhex-dhexaad ah u hoggaamiyo hanaanka doorashada.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka ay yeelanayaan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana meesha ka bixi doonto doorkii uu Farmaajo ku lahaa kulamada looga xaajoonayo doorshada iyo xallinta khilaafka taagan.

Lama qiyaasi karo go’aanka ay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka qaadan doonaan Mas’uuliyadda lagu wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo casuumadda la filayo inuu dhawaan u fidiyo.

Farmaajo ayaa khudbaddii koowaad ee uu ka jeediyey golaha shacabka shaaca uga qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.