Nicolas Kay oo gaaray Villa Somalia iyo xog sheegeysa in xaaladda madaxda…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in caawa halkaasi uu ku sugan yahay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Kay.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in uu kullamo kala duwan la qaatay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo weliba Xubno ka kala tirsan Labada gole ee DF Somalia.

Ra’iisul wasaaraha oo isaga aan Villa Somalia ku sugneyn ayaa looga yeeray hoygiisa oo ku ag dhow madaxtooyada, xilli la sheegayo in xaaladdu kacsan tahay.

Kay ayaa doonaya in meesha laga saaro khilaafkaan hadda soo cusboonaaday, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo baxaan warar dhameystiran oo kulamadaan ku aadan.

Sidoo kale, waxaa isla Villa Somalia Caawa ka socda kullan xasaasi ah oo u dhexeeya Golaha wasiirada Xukuumada Somalia oo la sheegay inay ka arrinsanayaan sida laga yeeli lahaa Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo cirka isku sii shareerayo.

Inta kullanka uu socday Wasiirada qaar ayaa soo jeediyay in Khilaafkaasi xalintiisa ay u maraan dhanka Beesha caalamka, waxaana arrinkaasi khilaafsan qaar katirsan Wasiirada walow aan wax war ah ilaa iyo hada laga soo saarin shirka oo weli socda.

Warar hoose ayaa sheegaya in kullanka wasiirada caawa socda uu wado Madaxweyne Xassan oo kasbanaaya wasiirada oo maalmahaani xiriir dhow la lahaa Ra’isul wasaare C/Weli, si meesha looga saaro damaca Ra’isul wasaare C/weli uu ka lee yahay hirgalinta Isku shaandheynta Golaha Wasiirada.

Ma cadda waxa kasoo bixi doono kullanka wasiirada walow caawa halkaasi uu ku sugan yahay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicolas Kay oo xusul duub ugu jiro sidii lagu soo afmeeri lahaa Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com