DEG DEG: Puntland oo 6-qodob kasoo saartay Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka halday Khilaafka xoogga badan ee soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo isku khilaafay isku shaandhayn kooban oo Ra’iisul Wasaaruhu uu shalay ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Shir deg deg ah oo ay golaha wasiirada dowlada Puntland ku yeesheen xarunta madaxtooyada maamulkaas ayaa looga hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxda dowlada federalka Soomaaliya oo lagu sheegay inuu noqday dhaqan soo noqnoqday oo ragaadiyay in Soomaaliya hesho dowlad taabagal ah.

Wasiirrada Puntland warka ka soo baxay waxaa ay ku sheegen inay ka xunyihiin khilaafka xilligaani madaxda soo dhex-galay waxayna ku baaqeen in khilaafkaasi lagu xaliyo sida dastuurka dalku qabo.

Puntland waxaa ay sheegtay inay diyaar u yihiin ka qayb-galka dadaallada lugu xillinayo khilafka madaxda faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Cabdi Weli Xirsi Cabdulle oo saxaafada u akhriyay qodabadii kasoo baxay shirka golaha wasiirada ayaa sheegay inay dowlada Puntland soo jeedinayso qodobadaan:-

1 – In khilaafka madaxwyenaha iyo ra’iisal wasaaraha in lagu xaliyo hab dastuuri ah.

2 – In madaxdu khilaafkooda uga tanaasulaan danta ummada Soomaaliyeed.

3-  Puntland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay doorkooda ka qaataan soo afjarida muranka u dhexeeya madaxda dowlada federaalka.

4 – Puntland waxay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato xalinta ismaandhaafka siyaasadeed ee madaxda Soomaaliya.

5 – Puntland waxay shacabka Soomaliyeed uga baaqaysa inay adkaystaan xasiloonidooda iyo waxkasta oo dhaawacaya midnimadooda.

6 – Waxay Puntland ugu dambayn usoo jeedinaysaa hay’adaha dowlada federalka Soomaaliya inay xilkooda u gutaan si xilkasnimo ah lana dhowro madaxbanaanida hay’ad walba.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com