Nin hubeysan oo shacab ku laayay duleedka BURCO

Burco (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gelinkii Jimcaha nin hubeysan oo dhimirka la’ uu weerar ka gaystay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ninka oo ku hubeysan qoray ayaa dilay saddex qof, isaga oo dhaawacay mid kale, kadib marii uu ku weeraray deegaanka Afmadoobe ee gobolka Togdheer.

Mid kamid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka guud ee Burco oo la geeyay dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada saddexda qof oo maydkooda la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca qof kale oo daran.

“Gobolka Togdheer waxaa ka dhacday mashaqa xun 4 qof ayaa dhibaato soo gaartay, afartaas qof, saddex aa ku naf waayeen, hal qof oo kalena dhaawac culus ayaa isbitaalka lagu keenay” ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha magaalada Burco.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka hadlay maamulka degmada Burco oo sheegay inay ka war hayaan falkaasi argagaxa leh oo uu gaystay nin ka xanuunsan dhimirka.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa sheegay in dadlka la laayey ay ku sugnaayene kulan Alle bari ah oo ka socday halkaasi, kadibna ninka hubeysan oo uu sidaas ku laayay

“Meesha Alla bari ayaa loo tegay, shirbaa ka dhacayay ninkaas isaga oo qoray sita ayaa la sheegay inuu meeshaas yimid ilaahey wuxuu ku talagalay inuu intaa laayo” ayuu isna yiri.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse dhacdadaan ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka, maadaama ay ku noqotay mid argagax leh.