Seddax aag oo halis ah oo ku furan Xasan Sheekh iyo sida mudan inuu u wajaho

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku furan seddax furimood oo midba mida kale ka culustahay, waxaase ugu daran tan taabaneysa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee qaranimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ooo dalka xukumaya muddo ku dhow labo sano, wuxuu ku jiraa marxalad uu Madaxweyne maro tii ugu adkeed, waxayna guushiisu ku xiran tahay sida uu u maareeyo seddaxdaan caqabadood:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay hadda la daalaa dhacayaan sidii ay u maarey lahaayeen damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, inta badan dadaallada looga hortegayo damaca Itoobiya ayaa ka socda Muqdisho.

Maamul goboleedyada dalka markii laga reebo HirShabeelle, habayaraatee ma aysan sameyn wax ficil ah oo muujinaya inay diidan yihiin damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, ugu yaraan labo jeer ayaa maalmihii lasoo dhaafay Jowhar lagu qabtay banaanbaxyo ay dadku ku muujinayeen sida ay uga soo hor jeedaan damacaas guracan.

Majiro maamul goboleed kale oo cadeeyey mowqifkiisa ama shacabkiisa u ogolaaday inay dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya, markii laga reebo Muqdisho iyo Jowhar oo laga banaanbaxay, waxaana soo raaca Hargeysa, Boorama, Seylac iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliland oo dadka ku nool ay iska diideen damaca guracan ee Itoobiya.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada inay taageeraan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iska daaye waxay wadaan kulamo ay la yeelanayaan madax Itoobiyaan ah, kuwaas oo aan loogu adeegeyn danaha Soomaaliya, tani waa mid ka mid ah furimaha ugu culus ee madaxweyne Xasan Sheekh xalka ka sugaya.

Furinta labaad waa sidii Xasan Sheekh uu uga guul keeni lahaa dagaalka Al-Shabaab oo ku dhawaad labo sano toos uga socda Soomaaliya, guulo badana ay ka gaareen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isgarabsanaya, dagaalka Al-Shabaab waa xaalad kale oo culus oo hadii aan looga gudbin midnimo iyo awood dowladeed halis ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Furinta 3-aad ee ku furan hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa mucaaradka ku gorgortamaya sharafta qaranimada Soomaaliya, si gaar ah inta badan madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo qaarkood toos loogu xaglinayo inay garab u yihiin Itoobiya, iyagoo fiirsanaya dano liita oo u gaar ah.

Hada waxaa mar labaad xukunka ku soo laabtay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo mar hore jaray xiriirka dowladda federaalka, waxaana jirta khatar weyn oo ka soo wajahan madaxda maamul goboleedyada oo la sheegay inay damacsan yihiin inay iskaashi ka dhan ah dowladda federaalka la yeeshaan Deni.

Maalmihii lasoo dhaafay Xasan Sheekh wuxuu safar ku tegay Dhuusamareeb, ajendayaashii uu halkaas u tegay waxaa ka mid aheyd in Qoor Qoor uu ka ilaaliyo iskaashi uu la sameysto Deni oo dagaal adag kula jira dowladda dhexe ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.