Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku helayno ruux watay Mooto ayay Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxay duhurnimadii maanta a ku toogteen aafafka hore ee Garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii la sheegay in aanu ka jawaabin, amar ay siiyeen Ciidanka.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada, ay ninkaan ku amray in uu istaago, xilli uu la socday dhug dhugley/mooto, isla-markaana ay ka shakiyeen markii uu istaagi waayayna ay risaas ku fureen halkaasina uu ku geeriyooday
Ciidanka Dowladda oo baaritaano ku sameeyay mootadii uu la socday marxuumka, ayaan ka helin waxyaabo wax u dhimi karaaya ammaanka Garoonka iyo kan Caasimadaba.
Meydka ninka marxuumka ah ayay ciidamadu goobtaasi ka qaadeen , waxaana ay geeyeen Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho .
Saraakiisha Dowladda ee ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde, ayaana wali ka hadlin mashaqadan maanta ka dhacda garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

