28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Nin Soomaalida tahriibin jirey oo gacanta lagu dhigey, lana keenay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfurta Sudan ayaa gacanta ku dhigey muwaadin Soomaaliyeed oo tahriibin jirey Soomaalida kale, kaasi oo ugu dambeyn laga soo dejiye garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee South Sudan Xuseen Xaaji ayaa sheegay, in nin kaan  muddo badan ay ku daba jireen Interpol, Booliiska Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale Booliiska Soomaaliyeed, ugu dambeynna lagu guuleystay in la qabto, lana keeno magaalada Muqdisho.

Ninka dadka tahriibin jirey ee lasoo qabtay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle, waxaana sidoo kale safiirka uu sheegay in Koonfurta Suudaan lagu hayo Saddex kale oo isaga la shaqeyn jirtay, dhowaanna la keeni doono magaalada Muqdisho.

“Dedaal badan ayaa la sameeyay, waxaana lagu guuleystay in lasoo qabto C/qaadir Cumar C/lle oo dadka tahriibin jirey, isagana kala gudbin jirey Sudan, Kenya illaa Liibiya, Saddex kale oo isaga la shaqeyneysa waa ay xiran yihiin, dhowaan magaalada Muqdisho ayaa la keenayaa, sidoo kale waxaa howshaan dedaal dheer u galay Booliiska Soomaaliyeed, Interpol, iyo sidoo kale Booliiska Koonfurta Sudan” ayuu yiri Safiirka.

Waa markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho laga soo dejiyo ruux ku eedeysan inuu dadka Soomaaliyeed Tahriibin jirey, xilli la ogyahay in shacab Soomaaliyeed ay ku dhamaadeen badaha.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News