Nin u gefay Nabiga NNKH oo dil toogasho lagu xukumay

Islamabad (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa waxaa lagu maxkamadeeyay nin kirishtan ah oo lagu eedeeyay inuu u gefay Nabi Muxamed (N.N.K.H).

Asif Pervaiz oo ka shaqeynayay warshad dharka lagu sameeyo ayaa dil toogasho lagu xukumay kadib markii uu soo dacweeyay maamulaha shirkadiisa. Asif 37-jir ah waxaa lagu eedeeyay inuu fariin qoraaleed ku aflagaadeeyay Nabi Muxamed (N.N.K.H).

Kiiskaan, oo soo billowday 2013 wuxuu soo taxnaa muddo 7-sano ah, qareenkiisa ayaana warbaahinta u sheegay iney racfaan qaadan doonaan, walow aan la ogeyn wakhtiga ay qaadan doonaan.

Ninka la xukumay wuxuu ku andacooday in maamulahiisa Muhammad Saeed Khokher uu ku qasbay qaadashada diinta Islaamka, balse qareenka maamulaha wuu iska beeniyay arrintaas.

Garsoorayaasha waxey ku xukumeen inuu qaadan doono 3-sano oo xarig ah ka hor inta aan la daldalin, waxaana sidoo kale la duldhigay lacag dhan 300$ (Saddex boqol doolar).

Muhammad Saeed Khokher, oo maxkamad ka hor hadlay ayaa beeniyey inuu doonayey inuu Asif ku qasbo qaadashada diinta Islaamka.

“Wuxuu isku difaacayaa arrintan kadib markii uu xaqiiqdii waayey difaac kale,” ayuu yiri Muhammad Saeed Khokher.

Dalka Pakistan ayaa waxaa xeer adag uga yaalla aflagaadada diinta iyo Nabiga NNKH, waxaana qofkii lagu helaa uu muteystaa dil toogasho. Qiyaastii 80 qof ayaa hadda ku jira xabsiyada Pakistan, kuwaas oo ku eedeysan aflgaadada diinta.