Ninkii HUBKA u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab oo XUKUN adag lagu riday

Muqdisho (Casimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay 16-kii bishii August ay soo xireen ciidanka amniga.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay ninkan in uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka, waxaana soo qabtay ciidanka Xooga dalka oo howlgallo culus sameeyey.

Intaasi kadib ciidamada amniga ayaa Xuseen ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee isla sanadkaan 2022-ka.

Sidoo kale baaris dheer kadib 07dii- bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday dacwad qaadista kiiska Xuseen ayaa laga ogolaaday, waxayna maxkamadda la wadaageen cadeymta miino lagu soo qabtay eedeysanaha iyo sidoo kale qiraalkiisa.

Dhanka kale Qareenada u doodayey eedeesane Xuseen ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maadaama uu ku biiray bishii May ee sanadkan, waxaana ka codsadeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda ayaa ku dhawaaqdy go’aankeeda, waxaana Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo katirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunkasanaha uu weli haysta fursad kale oo ku dalban karo racfaan muddo 30 cisho gudahood ah, sida uu u ogol yahay sharciga.