NISA oo shaaca ka qaaday magacyada madaxdii Al-Shabaab laga dilay shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal kooxda Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday xarunta u weyn ee kooxda ee gobolka Galguduud.

Duqeyntaan oo iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xaruntaasi oo ku taalla Galhareeri, waxaana lagu dilay 30 Shabaab ah oo isugu jira dagaal-yahaano iyo horjoogayaal ay kamid yihiin Ajaanib.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in weerarka cirka ee lala beegsaday Al-Shabaab ay ku dhaawacmeen illaa 20 xubnood oo ka tirsan kooxda.

“Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa kamid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Shabaab gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.”

Horjoogeyaasha lagu dilay duqeynta ee NISA ay shaacisay ayaa waxay kala yihiin;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

“Hawl-galkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.”