Daawo: Xasan Sheekh oo Abiy u tilmaamay jidka kaliya ee u furan si ay BAD u helaan

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Garowe kaga qeyb galay caleemo saarka madaxda Puntland ayaa si adag uga hadlay mar kale damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo u tilmaamay halka wado ee u furan Abiy.

Madaxweyne Xasan ayaa Itoobiya u cadeeyey in Soomaalidu aysan ka gorgortami doonin dalkooda, isagoo ugu baaqay Itoobiyaanka inay ku soo laabtaan jidka deris wanaagga, maadaama aysan wax kale u suurta geli doonin.

“Inaan deris noqono ma aanaan dooran Itoobiya, hal wado ayaa maanta u furan inaan deris isku wanaagsan noqono oo masaalixda labada shacab ka wada shaqeyno, Itoobiya sida ay wax ku dooneyso noogama heli doonto yaan lagu daalin, badeena anaga ayaa diyaar u ah in laga faa’iideysto, laakiin sida ay rabto Itoobiya kama yeeli karto, go’aana kaga gaari karto dhulkeena,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dalal badan oo caalamka ku yaalla aysan bad laheyn sida Itoobiya, halka dhaqaalaha Itoobiya uu sii kobcayo iyadoo dalku uusan laheyn bad, taas oo been ka dhigeysa dooda Abiy Axmed ee ah “Itoobiyaanku siima noolaa karaan bad la’aan.”

“Hada ka hor waxaan Abiy Axmed ku iri, Itoobiya saameyn ma ku yeelanee badda mise kuma yeelaneyso gorgortan ah nama dhex yaallo, Itoobiya bad sidee ku heli kartaa, si badeecadaha ay ugala soo degto, wax soo saarkeedana ay uga dhoofiso aan ka wada hadalno, farsamo waaye anaga ayaana dan ka aragta in dekado badan oo Soomaali leedahay ay Itoobiya isticmaasho,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Itoobiya u sheegay in badda Soomaaliya ay ku imaa karaan cilaaqaad iyo go’aanka Soomaaliya, balse uusan soca doonin qorshe ay ayagu soo dhoodhoobeen.

“Dhulka Soomaaliyeed ayaan qaadanaa si aan badda u gaaro, markii aan badda tago intaas ayaan hadana sii qaadanaa, waan diidnay damacaas, mana dhaceyso, waqti ha isaga luminina, ma dhaceyso taasi, waxaana dhalaneysa sii kala fogaansho iyo uur ku taalo hor leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay Soomaaliya u qabto cadaawad gaamurtay oo boqolaal sano jirsatay, balse Soomaalidu iska xirtay bogii madoobaa ee cadaawada, markii la diriray ee labada dal burbureen 30 sano ka hor, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in cadaawadaasi sii socoto.

Hoos ka daawo