NISA oo soo qabatay Abwaan kale oo bartiisa Facebook si weyn uga taageeray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ay caawa gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto.

Abwaanka ayaa Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Argagixisada iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Ciidamada Ereteriya la ga soo daabulayaa waxba ma soo kordhin doonaan. Sidii kuwii hore ayuun baa dabka la gu shubayaa. Xasan Sheekh waa naflacaari, timihiina waa ay ku baxeen oo hoofil buu yeeshay. Wax uu dirayaa farriin ah ‘way i ga dhan tahay ee miyaan is dhiibnaa mise nafta ayaan wada dul dhignaa?” Loo ma se jawaabin. Ciidamada ATMIS dhowaan way baxayaan, marka ay baxaanna Soomaaliya isbeddel weyn oo dhulgariir ah baa ka dhici doona,” ayuu Jeesto yiri maalin ka hor.

Maxamuud Jeesto oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada  magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, qoraal uu soo saaray maanta oo arrinta Falastiin uu kaga hadlay ayuu ku sheegay in dunidu u kala baxday muslim iyo gaalo, isla markaana muslimiinta Soomaaliya ay Shabaab yihiin.

Abwaan Jeesto wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyo fikirka xagjirka argagaxisada.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday kooxda Al-Shabaab.

“Shaqo ayaan ku jiray ee waa maxay duulkan xiiqsan ee i gu soo rawaxay? Sowtan caasimadihii la foolxumeeyay,” ayuu soo qoray lix saac ka hor oo ku began markii ay NISA ka qabatay gudaha Muqdisho.

Abwaan Nageeye ayaa la sheegay in uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray oo goor dambe la helay.

Sidoo kale gabayadiisii hore ayaa laga ogaaday in Nageeye ahaa xagjir is qari jiray, waxayna hadda sirdoonka Soomaaliya bilaabeen beegsiga dadka la aaminsan yahay in sida Nageeye ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab.